Somaliland oo ‘ka gubatay’ QODOB ka mid ahaa war-murtiyeedkii Dhuusamareb

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay war-murtiyeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah uga hadlay qoddobo kamid ah war-murtiyeedkaasi oo uu sheegay inay khuseeyan Siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka u doonta Soomaaliya iyo qaabka loo soo xulanayo ee loo dooranayo.

Nac-Nac ayaa ‘gef’ ku tilmaamay qoddobadaasi, maadama ay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xor ah, isla markaana aan hoostagin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Qodob kasta oo Maamulka Muqdisho soo saaro maaha qodob anaga na khuseeya, Doorasho toos ah iyo Doorasho dadban midna awood uma laha inay dalkayaga ka qabtaan, anaga ayaa ah dal wax walba qabsaday” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Somaliland waa dal iskii u taagan oo madax-bannaan, mana ah dal hoos yimaadda Soomaaliya, waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay, waxayna iska dhaadhiciyeen waxaan u soconayn oo ah ‘inay Somaliland oo ah dal isku tashaday inay maamulaan’.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan u daba fadhiisan doonin xiriiradeeda diblumaasiyadeed, isagoona ganafka ku dhuftay tallaabo kasta oo arrinkaasi ka dhan ah oo ay isku deydo inay qaado dowladda federaalku.

“Waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay in aanu xidhiidh la samayno dawlad kasta iyo dal kasta oo aanu iskaashi yeelanayno, awood ay ku soo cago dhigtaan iyo talaabo ay naga qaadi karaana ma leh” ayuu yiri.