Halkee ayey ku dambeeyen wada-hadalladii dowldda Soomaaliya iyo Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa in dalka Jabuuti ay dib uga furmaan badhtanka bishii hore ayaa ilaa hadda qabsoomin, iyada oo loo aaneynayo dib u dhacaasi labada dhinac.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay inay aad u hooseyso suurta-galnimada ay wada-hadalladaasi dib ugu furmayaan, iyada oo labada dhinac si dadban uga cago jiidayan in markale ‘madaxa la is-daro’, maadama aan si dhab ah loo abaareyn arrimaha masiiriga ah.

Somaliland ayaa ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan, halka dowladda federaalku ay taasi badelkeeda ku madax adeygayso, waana sababta u weyn ee la rumeysan yahay inay hor taagan tahay ‘in heshiis wax ku ool ah uu kasoo baxo wada-hadallada labada dhinac’.

Wada-hadalladaasi oo muddo badan hakad ku jiray ayaa 14-kii June ee sanadkan dib uga furmay dalka Jabuuti, iyada oo xiligaasi loo balamay kulamo kale oo ilaa xiligan suurta-galin.

Waxaana isasoo taraya baaqyo kala duwan oo maalmihii u dambeeyay lagu dalbanayey sii ambo-qaadka wada-hadalladaasi, iyada oo labada dhinac ay guddi farsamo u saaren wada-hadalladaasi.

James Swan, Ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa kamid ah dhinacyada dalbanaya inay markale sii socdaan wada-hadalladaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in xiligan ay muhiimad gaar ah leedahay in la sii wado wada-hadalladii la qorsheeyay ee ka dambeeyay kulamadii madaxda.

“Waxaanu ku boorinaynaa in la sii wado wada-hadalladii daba socday ee guddiyada farsamo iyo guddi hoosaadyada” ayuu yiri James oo warbixin ka jeedinayey golaha amaanka Qaramada Midoobay.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo badan hakad ku jiray ayaa sanadkan u muuqday kuwo dib u bilaabanaya, inkasta oo xiligan taasi badalkeedu ay muuqato.