Dagaal dhimasho badan oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka 8 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib iska hor imaad degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu is-faham waa soo kala dhex-galay ciidamo Milatari ah iyo kuwa Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Milatariga ayaa lagu soo warramayaa inay la socdeen gaari nooca dagaalka ah, wuxuuna isku dhaca yimid, ka gadaal markii Boolis ku sugnaa Bar-Control oo ku taalla halkaasi ay isku dayeen inay is hortaagaan ciidamadaas, kadibna uu sidaas ku bilaabatay is-rasaaseynta.

Saddexda askari ee iska hor imaadka ku geeriyootay ayaa lagu soo warramayaa ina yihiin labada dhinac ee diriray halka 8 qof ee dhaawacmay ay isugu jiraan askar iyo shacab.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin maamulka degmada Hodan iyo sidoo kale saaraakiisha laamaha amniga, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad degan.

Inta badan waxaa xaafadaha magaalada Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo dhex-mara ciidamo ka waa tirsan kuwa dowladda, waxaaan khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.