Gudoomiye degmo oo qarax lagula eegtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow, Ex Koonis Stadium.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday guuddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Muuse Geesey Jimcaale oo marayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu ka bad-baaday qaraxa lala bartilmaameedsaday, balse waxaa la soo wariyey inuu ku dhintay hal qof shacab ah, kaas oo ahaa Wade Mooto Bajaajle, iyadoona ay ku dhaawacmen saddex kale.

Waxaa sidookale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Waa markii labaad ee uu qarax ka bad-baadayo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, isagoona 23-kii bishii July ee sanadkan qarax noocan oo kale lagula eegtay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho.