Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay cidda maamuleysa doorashada lagu heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caddeeyey inuu doonayo in guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran ee maamulaan doorashooyinka dalka ka dhacaya, taasi oo meesha ka saareysa awooddii dowlad goboleedyada.

Farmaajo oo ka hadlayey xiritaanka shirkii Dhuusamareeb 3, ayaa sheegay in maadaama doorashadu ay tahay mid heer federal oo aysan ahayn heer gobol ee lagama maarmaan tahay in guddiga doorashooyinka ay maamulaan.

“Doorashadu waa heer Qaran ee ma aha heer Gobol, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranku ay hoggaamiyaan doorashada. Si aan uga dhabayno bisaylka siyaasadeed ee muddo dheer kaddib aynu gaarnay, waxaan xilligan doorashada ku galaynaa nidaamka xisbiyada badan, waxaan ka gudubnay heerkii la isu xulufaysan jiray qabyaaladda oo waxa aynu u gudubnay in lagu tartamo mabaadi iyo axsaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Qodobka 9-aad ee heshiiska Dhuusamareeb ayaa u dhigan sidan: In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.

Si kastaba, arrintan ayaa la filayaa inay dood weyn ka keenaan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, oo heshiiska diiday, balse sida la rumeysan yahay inay qodobkan ka loolami doonaan xitaa haddii ay dhacdo inay heshiiska wada-hadal ka galaan

Sidoo kale, sharciyadda guddigan ee doorashooyinka ayaa waxaa ka taagan su’aal weyn, sababtoo ah guddiga waxaa la siiyey sharciyad ay ku maamulaan doorasho qof iyo cod ah, balse ma lahan sharciyad ay ku maamulaan doorasho dadban.

Guddigan ayaa ah mid si aad ah ugu xiran madaxweyne Farmaajo. Waa guddi ay horey u dhaliileen ugana soo horjeedeen maamul goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka. In guddigan uu maamulo doorashada waxay ka dhigan tahay in awoodda iyo maamulka doorashada ay gacanta ugu jirto Villa Somalia.