Somaliland oo Puntland ka qabsatay magaalo muhiim ah

Boocame (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta la wareegeen gacan ku heynta degmada Boocame ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland.

Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan aya agudaha u galay degmadaasi, kuwaas oo saldhig ka sameystay halkaasi.

Boocame oo ah magaallo weyn oo Puntland ay maamuleysay ayaa ka mid aheyd meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod ee haatan qaban qaabadeeda ay ka socoto deegaanada maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xiisaddu ay kacsan tahay, islamarkaana ciidamada Puntland ay iyaguna ku sugan sugan yihiin duleedka degmadaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan xaaladda degmada Boocame ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya xaaladda soo korortay iyo ciidamo isku beddalay gacan ku heynta degmadaasi oo ah mid muhiim ah.

Somaliland iyo Puntland ayaa horey ugu dagaalamay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Turkaraq, kadib markii isku qabteen maamulidda deegaanada ku yaalla halkaasi.