Xildhibaan shaaciyey cidda Al-Shabaab qaraxyada usoo gelisa magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka geysato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Macallimuu ayaa sheegay inay jirto wada shaqeyn ka dhexeyso kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay jiraan rag saraakiil oo Al-Shabaab qaraxyada uga soo gudbiya baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka lagu dhibo barahaas koontarool, balse Al-Shabaab si fudud loogu soo gudbiyo qaraxyada.

“Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista ,waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan, qaraxyadana si fudud” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Macallimuu.

Hadalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku soo aadayo maalin kadib qaraxyadii gilgilay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada dad kor u dhaafayo ilaa 100 qof iyo dhaawaca 300 oo kale, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Si kasataba, xaalada Muqdisho ayaa ah mid cakiran, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadaas & falalka kale ee amni darada ee ka dhaca gudaha caasimada