Khasaaraha dhimasho ee qaraxyadii Zoobe oo kordhay iyo DF oo tiro cusub shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320.

Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.

Dawladda ayaa shalay magacowday guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay laga saaray isbitaallada, islamarkaana hadda ay isbitaallada ku jiraan 152, balse wuxuu sheegay in dad badan oo kale la la’yahay, qaarna dhaawacoodu halis yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October. 

Xamza ayaa shacabka u sheegay in Al-Shabaab markii looga soo adkaaday furimihii dagaalka ay billaabeen inay si toos ah shacabka u xasuuqaan, oo ay ka aargoostaan haweenka, caruurta iyo odayaasha.  

“Waxaa ballan ah in dadkaas loo aargudo, waana u aagudeynaa, waana go’aan aan kasoo noqosho laheyn in nimankaas dalka laga xoreeyo,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.  

“Xanuun baan mareynaa, marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay deganaansho iyo dulqaad u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya. Waxaan rajeynayaa inaan muddo kooban ku noolaano waddankeena oo aan qarax laheyn iyo waddankeena oo aan dil laheyn,” ayuu yiri.

Xamza ayaa shacabka qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in cid kasta sida ay awooddo uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.