DF oo dhaqaatiir ka dalbatay afar dal xilli dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhaqaatiir ka dalbadeen afar dal, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay qeyb uga noqdaan badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Zoobe 2.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji oo la hadlay BBC-da ayaa sheegaya in dhakhaatiirtaas ay illaa hadda ka dalbadeen dalalka Turkiga, Masar, Kenya iyo Sacuudiga, oo saaxiibo la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay ku dhalisay kadib markii ay arkeen xaalada dadka dhaawaca ah oo ay adag tahay in dibada loo qaado, sidaas darteedna si loo badbaadiyo ay door-bideen in dalka keenaan dhakhaatiir ajnabi ah.

“Marka qiimeynay haddii la dalbo in dibedda loo qaado ay waqti qaadan karto, in laga yaabo in kuwa ICU-da hadda noogu jira ay diyaarad qaban karin oo la qaadi karin. Marka waxaa doorbidnay in aan dalbano dhakhaatiir aan u baahanahay, ciddii noo soo hor jawaabta ayaa arki doona,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Xarunta gurmadka degdeg ah dhismaheeda wuu soo gaba-gaboobay oo waa la dhameystiray, ayadana mardhow waa lagu shaqeynayaa insha allah.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in xarunta loogu tala-galay inay noqoto Bangiga Dhiiga ee dalka ay mareyso heer gaba-gabo ah, islamarkaana la furi doono labo bilood gudahood.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320. Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmayayaa  laga saaray isbitaallada, islamarkaana hadda waxaa isbitaallada ku jiraan 152, sida uu sheegay wasiirka.