SOMALILAND oo markab shidaal ku xanibtay dekedda Berbera iyo xog yaab leh oo kasoo baxeysa sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan muddo ku xanibtay markab nooca shidaalka ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Som Petroleum, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dekedda Berbera.

Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi ayaa muddadii uu ku sugnaa dekedda Berbera waxa la dajiyay maraakiib kale oo siday shidaal, midaasi oo meesha ka saareysa in Haamaha keydka shidaalka ee dekeddu ay buuxaan ama xukuumada ay soo rogtay awaamiir ka dhan ah Shidaalka oo aan la shaacin.

Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa inoo xaqiijiyey in sababta loo haysto u aaneynayaan mid qabyaaladeeda, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay.

Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta deganaanta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gaashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya deegaanada Somaliland, isla markaana aysan buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.