Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa noqday cidda keli ah ee bogaadisay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Venezuela, kaasi oo lagu soo qabtay Madaxweynihii dalkaas, Nicolás Maduro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay tallaabada Mareykanka mid si miisaaniyad iyo xisaabtan leh loo qaaday.
“Somaliland waxay xaqiijinaysaa mowqifkeeda ku dhisan mabda’a, iyadoo la jaanqaadaysa Mareykanka taageeridda tallaabooyin caalami ah oo si miisaaniyad iyo xisaabtan leh loo qaadayo, kuwaas oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraadiyadeed iyo ku dhaqanka sharciga dalka Venezuela,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.
Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay waafaqsan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo tixgelinta amniga wadajirka ah, isla markaana ay gacan ka geysan karaan yareynta dhibaatada bani’aadamnimo ee ka jirta Venezuela.
Somaliland waxay sidoo kale tilmaantay in ka qayb-gal mas’uuliyad leh oo uu hoggaaminayo Mareykanku, lana kaashanayo saaxiibbada goboleed iyo kuwa caalami ah, uu door muhiim ah ka qaadan karo la-dagaallanka shabakadaha dambiyada caalamiga ah iyo taageeridda kala-guur nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Venezuela.
Somaliland ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in xal kasta oo la gaadhaa uu ku dhisnaado madaxbannaani qaran, isla-xisaabtan, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.
Weerarkan la-yaabka leh ee lagu qaaday Caracas ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Trump uu soo nooleeyay aragtidiisa gaarka ah ee ku aaddan siyaasadda gobolka, waxaana si adag u cambaareeyay caalamka, oo u arka mid uu Mareykanka ugu tuntay shuruucda caalamiga ah.
Colombia, Cuba, iyo Mexico ayaa ka mid ahaa dalalka cambaareeyay hawl-galka Mareykanka ee Venezuela, iyagoo sheegay in weerarku uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mexico ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanku waa aag nabadeed… sidaas darteed tallaabo kasta oo milateri waxay si dhab ah u wiiqeysaa xasilloonida gobolka.”
Dhanka kale, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa isku soo bax dhacay Sabtidii ku tilmaamay weerarka mid “fulaynimo, dambiilenimo iyo khiyaano ah.”
Gudaha Mareykanka, Dimoqraadiyiin badan iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga ayaa cambaareeyay hawl-galka oo la fuliyay iyadoon oggolaansho laga haysan Koongareeska.

