Somaliland oo qaaday tallaabo dad badan ka careysiisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xaalad caafimaad ugu qaaday dalka Jabuuti shimbir haad ah oo dhaawac soo gaaray.

Shimbirkan oo ay sheegtay inuu markii dambe ku dhintay Lawyo-caddo, kadib markii ay xukuumada Somaliland u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaaray.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare oo warbaahinta gudaha la hadashay ayaa waxay sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooca haadka kamid ah uu ku dhaawacmay xadhkaha koronto, kadibna markii ay waxba ka qaban kari waayeen xaaladiisa ay go’aansadeen in ay u qaadan dalka Jabuuti.

“Haad duulaya oo yar oo siddeed bilood jira ayaa waxa uu galay xadhkaheena laydhka, wuu soo dhacay oo waa soo qaadnay. Intii aanu ordeynay markii Jabuuti la geeyay waa dhintay,” ayuu tiri Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare.

Waxay intaas kusii dartay “Anagu dadaalnay intii aan dadaali kareynay, taasina waxay na fareysa waajibaadkayaga.”

Sidoo kale waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen dhimashada haadka, islamarkaana ay shaqaalaha wasaaradeedu iskaga tacsiyeeyeen, iyada oo sheegtay inuu ahaa nooc kasii dabar go’aya dhulka Soomaalida.

Arrintan ayaa markii ay baraha bulshada soo gashay waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen “isyeel -yeel iyo mashruuc,” ayaga oo ka careysan heerka nolosha Somaliland ay gaartay, iskaba daa shimbir ee ay xukuumadda dayacday dadkii masuuliyadda ka saarneyd.

Cabdirisaaq Shaqale oo ka fal-celiyay arrintaan ayaa waxa uu yiri “Waa si fiican in xayawaanka loo naxariisto laakiin danyarteeni ayaa dayacan oo TV-yada maalin kasta ka daawanaa, miyeyna ka mudnaan iyo faa’iido badneyn adiga oo ilma yar oo u baahan qaliin wadnaha ah ama indhaha ah u sameyn lahaa intaa?.”

“Qofta hadalkan ku hadlaysa ma qaldana, laakiin nacasnimadeena iyo doqonimada bulshada ay u taliso ayay ogtahay. Somaliduna waxay tidhaa; ishiisa laga arkaa, ushiisa lagu tumaa,” ayuu sidoo kale yiri Barkhad Muxumed.

Maxamed Muuse: “Wasiirada waa in wasaarada caafimaadka loo magacaaba si ay sidan ugu adeegto oo ugu damqato dadka.”

Maxamuud Xuseen Maydhane ayuu isna yiri “Waar ma shinbiraha iyo dadkii ayaa la kala garan waayay kulahaa haad baanu Jabuuti u qaadnay waa wax runtii lala yaabo.”

“Bila aadanka wax tara xayawaanadka dadka ka muhiimsan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdillaahi Cabdi.