SOMALILAND oo qaaday tallaabo xasaasi oo dhabaha u xaareysa damaca Ethiopia

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo weli ku adkeysaneysa heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ay la gaartay Ethiopia, ayaa qaaday tallaabo u muuqata in maamulka uu sahan ugu soo sameynayo dhulkii loo calaamadeeyay Ethiopia, si loo gudo galo wejiga xiga ee heshiis beenaadkii Addis Ababa

Guddiga Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiska is-afgarad (MOU) ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa safar ku tagay xeebta galbeed ee Somaliland iyo qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Awdal.

Guddigan Farsamo ayaa waxay maalintii Sabtidii ee toddobaadkan safar ku tageen magaalada Lughaya oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin.

Intii uu halkaasi ku sugnaa guddigan waxa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay la yeesheen xog-waraysi, xilli dhawaan ay reer Lughaya meel adag iska taageen damaca gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Sidoo kale guddida aya waxay maalintii shalay aheyd booqdeen magaalooyinka Boorama iyo Dila ee gobolka Awdal, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi.

Guddiga ayaa dhinacyadaasi waxay warbixinno ka siiyeen hawsha shaqadooda ee la xidhiidha heshiiskii is-fagaradka Somaliland iyo Ethiopia ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan 2024 ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli lasoo warinayo in Ethiopia ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska is-afgarad ee u durbaan tumaneyso Somaliland.

Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa illo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Ethiopia ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in aysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Ethiopia, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland, waana midda la rumeysan inay soo dadajisay in Ethiopia ay ka fikirto ka laabashada qeybo kamid ah heshiiskaasi.