26.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Somaliland oo u dhaqaaqday ka hor-tagga dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta guddoomiyay shir gaar ah oo uu la yeeshay hoggaanka sare saddexda Xisbi ee ka jira maamulkaasi WADDANI, KAAH iyo KULMIYE.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirradda lagu saaray guud ahaan xaaladda Somaliand iyo arrimaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Madaxtooyada iyo xisbiyada Somaliland ayaa si weyn uga horyimid qorshaha Dawladda Federaalka ee ku aadan dhammaystirka Maamulka SSCkhaatumo, waxayna sheegeen in dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobollada bariga ay keeni karaan inuu dhiig ku daato.

Sido kale, Somaliland ayaa farriin culus u dirtay wakiilada beesha caalamka, waxayna ugu baaqday in si dhaw ay ula socdaan arrimaha kasoo kordhay Sool iyo Sanaag oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna hurinayo colaad horleh.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Beesha Caalamka ugu baaqaysaa in si dhaw loola socdo hurinta colaadda uu dhiig badani ku daadan karo oo uu Xasan Sheekh ka wado degaano ka tirsan Somaliland.”  ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee kala ah Xisbiga WADDANI, Xisbiga KAAH iyo Xisbiga KULMIYE.

Kulanka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta midnimada iyo wada-jirka Qaranka, ilaalinta xasilloonida Siyaasadeed ee dalka, iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa arrimaha masiiriga ah ee Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland taabanaya.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay joogteynta wada-tashiga iyo wada-hadallada furan ee dhex mara Saamilayda Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland, si loo xoojiyo hannnaanka Dawladnimada, Dimuqraadiyadda iyo xaqiijinta horumarka guud ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Xisbiyada Mucaaridka ah mar kale u xaqiijiyey in ay Xukuumadiisu diyaar u tahay in ay wada shaqayn buuxda la yeelato Xisbiyada Mucaaradka ah ee u taagan dal-dhiska, talooyinka Qaranka ee masiiriga ahna ay door muhiim ah ku leeyihiin, mar walbana Xukuumaddu ugu yeedhi doonto wada-tashi xilliyada ay ku haboon tahay.

Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran waxa ay Madaxweynaha uga mahad naqeen la kulanka, iyaga oo aragtidooda ka dhiibtay xaaladaha siyaasiga ah ee taagan, xoojinta iyo qabyo-tirka arrimaha Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Doorashooyinka, sida oo kale-na xaqiijiyey in ay diyaar u yihiin in ay Xukuumadda garab istaagaan oo ay kala shaqeeyaan wax kasta oo suurto gal ah oo ay danaha Qaranka JSL ku hagaagayaan.

Kulanka waxa si adag loogu cambaareeyey fara-gelinta qaawan ee ma’suuliyad darrada ah ee ay Dawladda  Soomaaliya ku hayso Bariga Gobolka Sool ee Somaliland, taas oo ka abuuraysa gobolka qalalaase siyaasadeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Beesha Caalamka ugu baaqaysaa in si dhaw loola socdo hurinta colaadda uu dhiig badani ku daadan karo oo uu Xasan Sheekh ka wado degaano ka tirsan Somaliland, taasi oo duullaan ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida oo kalena khatar ku ah amniga, xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshooyinka gobolka Geeska Afrika.

Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay isfaham guud oo ku saabsan sida loogu baahan yahay midnimada, xilkasnimada iyo in si wadajir ah wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News