25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Somaliland oo Qatar u soo bandhigtay arrin xasaasi ah oo la xiriirta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Labada mas’uul ayaa kulankan uga wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan xagga iskaashiga horumarka bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimada.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Cirro ayaa safiirka Qatar u soo bandhigay in Somaliland ay ka furtaan xafiis diblumaasiyadeed, xilli ay dalal dhowr ah Hargeysa ku leeyihiin xafiisyo diblumaasiyadeed.

“Madaxweynuhu waxa uu Safiirka u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhawaynayso haddii ay dowladda Qatar Somaliland ka furanayso xafiisyo Horumarineed, kuwo khayri ah iyo kuwo diblomasiyadeedba,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale wuxuu safiirka dowladda Qatar u caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay xaqiijinta iyo xoojinta iskaashi buuxa oo dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dhinac, gaar ahaan ka wada-shaqaynta arrimaha amniga gobolka, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Cirro ayaa si laab-furan dowladda Qatar uga mahad-naqay gargaarka iyo deeqaha ay u fidiso bulshada Somaliland, gaar ahaan xilliyada adag, sida gurmadka abaaraha oo kale.

Dhankiisa, Safiirka dowladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha qaabilaada, isagoo xaqiijiyey in Qatar ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Somaliland, gaar ahaan kuwa bini’aadannimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo ballan-qaad ku saabsan in labada dhinac ay sii wadaan wada-shaqaynta iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag iyo is-tixgelin buuxda.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News