Somaliland oo rumeysan in C/Wi Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka Tukaraq

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka uu la galayo Somaliland, balse dadka Puntland aysan ka  war-hayn.

Aqoonyahan Cabdiraxman Axmed Kayse oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu dagaalka Tukaraq u billaabay sababo la xiriira doorashada madaxweyne ee kusoo socota, oo ujeedkiisu yahay inuu u guuleysto.

“Gaas, wuxuu isu muujinaya shacabka Puntland, ma jirto ujeedo kale oo uu dagaalka ugu soo qaaday Somaliland. Wuxuu doonayaa in loo arko hoggaamiye xooggan oo Puntland difaacaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Si kastaba, Puntland ayaa aaminsan in dagaalka Tukaraq ay billowday Somaliland.

Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland, sidaas darteedna ay is difaacayaan.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalka uu socon doono, illaa laga xoreeyo gobolka Sool, sida ay hadalka u dhigtay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com