Tukaraq: Somaliland oo soo bandhigtay 118 askari oo ciidamada Puntland ah

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in ay kasoo goosteen maamulka Puntland, gaar ahaan kuwo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 118 askari ayaa gaaray, laguna soo bandhigay magaalada Taleex, ayaa maamulka Soomaaliland waxa ay sheegeen in ay si iskood ah uga soo baxeen furumaha dagaalka, islamarkaana xilligan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada Somaliland.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada la sheegay in Puntland ay ka soo goosteen oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale, ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Puntland kadib markii ay wadatashi la sameeyeen saraakiisha Ciidamadooda, Odayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, kadibna ay kasoo baxeen halkii ay ka dagaalamayeen.

Ciidamada ay Somaliland soo bandhigtay ayaa ku sugnaa deegaanka Geed Qaboobe oo ka mid ah deegaanada Gobolka Sool oo ay xiisada dagaal ka jirto, isla markana Ciidamada Puntland iyo Somalilnad isku hor-fadhiyaan.

Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale  oo ah Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Somaliland in waxqabad dhab ah oo ay u muujiyaan maadaama ay ku biireen ciidamada maamulka Somaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka Ciidamada hoggaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale.