25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Somaliland oo sabab yaab leh u tirisay qabsashada Moqokori

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si yaableh uga hadashay qabsashaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo shalay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa, wuxuuna sheegay inay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab iyo amniga dalka.

Axmed Yaasiin ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab kadib qabsashadii degmada Moqokori uu hadane rabo inuu ciidan geeyo gobolka Sanaag.

“Ninka ay Moqokori Shabaab ka qabsaneyso ee Muqdisho xasilin la’ ayaa Sanaag ciidan baa ka qori oo usoo dirayaa leh waa wax laa yaabo runtii oo laga xishoodo,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxanu leenahay cawaaqibka waxa aad faraha kula jirto ka dhasha Xasanow cidi kula yeelan meyso, adiga ayaa qaadi doono”.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Dowladda Federaalka ay bixin la’dahay mushaaraadka ciidamada, isaga oo tusaale usoo qaatay ciidamadii dhowaan dibad-baxa ka dhigay gudaha magaalada Muqdisho ee gadoodka sameeyay.

“Dowladdiisa ma awoodo in ciidankeeda ay mushaarka siiso waxaad ka war qabtaan ciidamaduu uu qornaa in mushaar la’aan dartiis ay banaanbax uga sameynayeen Muqdisho gudaheeda oo koontarooladii xiranayaan,” ayuu yiri mar kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale, Axmed Yaasiin ayaa hanjabaad culus kasoo saaray qorshaha Villa Somalia ee ku aadan in gobolkaas lagu daro SSC oo haatan ah maamul ka tirsan dowladda dhexe, isaga oo sheegay inay u arkaan daan-daansi uu Xasan Sheekh kusoo qaaday bariga Somaliland.

“Waxaan rabaa in aan ka hadlo daan-daansiga, xasaradda iyo colaad hurinta oo uu Xasan Sheekh ka wado Madaxweynaha dowladda Xamar ka taliso bariga Somaliland, runtii waa wax laga xumaado nin Madaxweyne loo doortay oo dal mas’uul looga dhigay, oo intii mas’uulka looga dhigay ku fashilmay uu rabo inuu fidno ka abuuro Somaliland, isaga oo ciidamo usoo dirayo bariga Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin.

Ugu dambeyn, wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka iyo wax ka qabashada xaaladda Sanaag ay u taallo Somaliland, isla markaana go’aan looga gaari doono gogosha uu Madaxweyne Cirro dhigay magaalada Ceerigaabo, si nabad loogu soo dabaalo guud ahaan gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News