Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay dhawaan hirgali doonaan baasaboor nooca Electricni ah oo ay yeelan doonaan dadka ku dhaqan deegannada maamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay sameesan doonto baasaboor caalami ah oo lagu safri kari waddamada caalamka si lamid ah kan Soomaaliya ee E Passport.
Wasiirka ayaa sheegay in baasaboorka cusub lagu dhaqan galin doono ilaa inta ka dhimman sannadkan ama billowga sannadka 2014-ka.
Wasiir Waran Cadde ayaa tilmaamay in aan lagu safri karin baasaboorka E Passport ee Soomaaliya lee dahay, maadama Somaliland ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale.
Si kastaba, hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley taliyaha laanta socdaalka iyi jinsiyadah dowladda Soomaaliya, Gen Gaafow Maxamuud uu sheegay in aan lagu safri karin baasaboorkii hore ee cagaarka, wuxuuna sheegay ciddii lagu arko iyadoo ku socdaaleysa in loo arki doono dad xiriir la leh Argagixisada ama dano gaar leh.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa

