Shaqaalaha Shabeelle oo dib u helay xoriyadooda & warar dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow dib u helay xoriyooda  shaqaalaha Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho oo maanta barqadii ay xireen ciidamada nabad sugida.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in la soo daayay shaqaalihii la xiray, balse jirdil iyo tacadiyo kale loo geestay intii ay ku jireen xarunta nabad sugida CID-da.

Wuxuu sheegay in qalabka Idaacadda la burburiyay isla markaana xoog ay ku soo galeen dhismaha Idaacadda ciidanka soo weerarray.

Dhinaca kale, Agaasimaha Idaacadda Shabeelle, Cabdimaalik Yuusfu Maxamuud oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ay ku xiran yihiin isaga iyo shaqaalaha Idaacadda xarunta CID-DA.

Wuxuu sheegay in jirdil loo geestay intii ay ku xirnaayeen xarunta CID-da, wuxuuna sheegay in ciidamada soo weerarray xarunta ay qaateen wixiii agab ee yaalay Idaacadda oo ay ku jireen kaamirooyinka.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada ay dhaceen lacag cadaan ah oo taalay dhismaha Idaacadda sida hadalka uu u dhigay.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in dhismaha Idaacadda ay daganeed sharci maadama ay heshiis la gashay wasaaradii hore ee gaadidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com