SOMALILAND oo shaacisay waxa laga yeelayo askarigii xalay aabihiis ku dilay…

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo uu askari ka tirsan ciidanka ku dilay aabihiisa.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa toogasho ku dilay aabihiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari), kadib muran soo kaladhex-galay.

Booliska ayaa shaaciyay in eedeysanaha lasoo qabtay, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka, waxaana au sheegeen inuu askarigan uu rasaas la dhacay aabihiis.

“Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii  Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu boolisku intaasi ku daray in eedeysanaha sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,

“Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo  Ciidanku sameeyay ayuu kusoo qabtay eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska,  iyadoo degdeg loo  horgayn doonaa sharciga” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhinaca kale waxaa warsaxaafadeedkan farriin loogu diray  shacabka Somaliland oo loogu baaqay in booliska kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaanka.

“Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan” ayaa lasii raaciyay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha dalka ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo kasoo cusboonaaday magaalooyinka ee waa weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhacdooyinkan ayaa dhammaantood salka ku haya arrimo qoys, waxaana dhacay kiisas waa weyn oo illaa iyo hadda aan laga sal gaarin iyo kuwa kale oo yaalla maxkamadaha.