Somaliland oo shaqada ka cayrisey 42 qof oo ay uga shakisay DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta waxay shaqadii ka joojisay shaqaale ka howl-galayey gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Shaqaalahan ay maanta shaqo joojinta ku sameeysay Xukuumada Biixi ayaa tiradoodu dhameyd 42-shaqaale, waxayna shan shaqo oo kala gedisan ka qaban jireen Garoonka diyaaradaha Cigaal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in sababta shaqaalaha intaa leeg u cayrisay xukuumada Somaliland, ay tahay inay mushaar ka qaatan dowladda federaalka Soomaaliya oo maamulka hawada kala wareegtay Hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO).

Waxaa xusid mudan in Dowladda federaalka Soomaaliya ay mudooyinkii dambe la soo wareegtay maamulka hawada, midaasi oo suurta-gal ka dhigaysa in shaqaalihii hay’adda ICAO ka qaadan jirey mushaarka ay dowladda federaalku la wareegtay.

Xukuumada Somaliland ayaa ku doodeysa inay shaqaalahasi soo cadeeyan inaysan ka mid aheyn shaqaalaha ay dowlada federaalku la wareegtay kadib markii maamulka hawada loo gacan-galiyey.

42-ka shaqaale ee maanta la cayriyay ayaa garoonka diyaaradaha Cigaal ka qaban jirey shan shaqo oo kala ahaa:

AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada
MET Officers: Saadaasha Hawada
Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha
Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha
FireFighting: Dabdamiska

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com