Somaliland ‘oo si yaab leh’ uga hadashay rabshadaha Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay rabshadaha maanta ka billowday magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo ay ku tilmaamtay in gacmo shisheeye ay ka dambeeyan.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay ka dambeeyaan rabshadahan oo ay kusoo dhex dhuumanayaan dadweynaha reer Awdal, isaga oo ka dhawaajiyay in cadaalad la marsiinayo dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, oo uu sheegay inay ku soo dhex dhuumanayaan gacmo shisheeye.

“Buuq rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada oo dad wax magarato oo dumar iyo carruur oo dad muraad kale leh ay soo abaabuleen ayaa shiiday xarumihii dowladda oo dhan, arrinta marmarsiyaha laga dhiganayo waa sarkaalka dhintay. Sarkaalka dhintay sida loo maamulay sidii ugu dhaqsaha badneyd ayaa u maamulnay oo waa dadajinay howshiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Awdal.

Guddoomiye Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay in dadka rabshadaha ka dhigaya magaalada aysan aheyn ehelka marxuumka la dilay, isaga oo ku tilmaamay inay gadaal ka riixayaan rabshadahaasi dad aan kiiskaan shaqo ku laheyn ee marmarsiyo ka dhiganaya, si ay khalkhal u galiyaan amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska dilka taliyaha uu marayo maxkamadda derajada labaad, “maanta ayaa fileyna inay noo timaado maxkamadda derajada labada sida uu wasiirka daakhiliga noo sheegay, howshaas gacanta lagu haya oo nidaamkeeda waa dhameysaneysa, wax nidaamkaas kasoo horeeya oo qaban karna majirto. Dad muraad kale leh oo meel madaxa kala soo baxaan la’aa ayaa dadka been la dhex qaadaya, dadka ha ka feejignaadan.”

Waxa ugu baaqay in bulshada reer Awdal ay iska qabtaan dadka nabadgelyada khal-khalinaya, “Dadka waxyeelada u badan soo gaareyso waa ganacsatada ee iska qabta, oo qof walba kaalintaas wax ha ka qaato oo dadkan rabshada wada yaan lagu haleyn ciidanka un ee la yidhaahdo naga daa rabshada.”

Dhinaca kale, Maayirka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame oo isaguna qeyb ka ahaa shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha magaalada ka dhacay, kuwaasi oo khasaare horleh ka geystay magaalada, xanibayna isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

“Dadkii ehelka u ahaa howshaas ku dhacday aan xiriir la laheyn, waxaa ku dhex jira dad kale oo ujeedooyin kale leh oo la’aa meel ay kasoo galan arrinkaan. Waxaa u sheegayaa dadka reer Boorama in nidaamka kiiska dilka uu socdo oo iska soo dhamaan doonto,” ayuu yiri maayirka Boorama.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Looma ogolaanayo in la gubo gurigaaga ama meheradaada, isdaji howshaas waa dhamaan doonta, cid kasta oo gacan ku leh howshaas laamihii ku shaqada lahaa shaqadoodii ayay qabsanayaan waa la qaban doona.”

Xiisadda xoogan ee ka dhalatay dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal ayaa sidoo kale waxaa si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Si kastaba, Rabshadaha ka billowday Boorama ayaa imanaya ayada oo weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Laascaanood, oo la xasuusto in markii hore ay ka bilaabatay kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalada, kadibna isku bedeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.