Somaliland oo sii deyneysa maxaabiis badan haddii Coronavirus uu gaadho

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa wada qorshe ay ku sii deynayso Maxaabiis badan oo ku xiran Jeelasha, si looga hortaga faafista cudurka sida xawliga ah ugu faafaya dunida ee Coronavirus.

Mustafe Maxamuud Cali, Wasiirka Cadaalada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi oo hormuud u ah Xukuumadiisu ay ku howlan-yihiin sidii Maxaabiista looga bad-baadin lahaa fayruska Corona, haddii deegaanada Somaliland uu soo gaadho.

Wasiirka ayaa xusay in Biixi uu wado qorshe uu kusii deynayo Maxaabiis badan oo uu ku sheegay kuwo dambiyada fudud ah, si looga baaqsado in tiro badan uu cudurku ku dhex haleelo gudaha Jeelasha.

Inkasta oo uusan si rasmiya u shaacin Wasiirku tirada ay Xukuumadiisu ay qorsheynayso inay Xabsiyada kasii deyso, haddana waxa uu ka dhawaajiyey in talaabadan looga dan leeyahay kala dhimista maxaabiista badan ee ku jira Xabsiyada, midaasi oo ka dhigaysa in tirro badan oo Maxaabiisa uu sii deyn doono Muuse Biixi.

“Wacyi-gelin badan ayaanu Maxaabiista u samaynay, waxaanu u geynay Qalabkii Faro-xalka, waxaanu ku wacyi-gelinay inay kala durkaan, waxa kale oo aanu Mabnuucnay in gudaha loogu galo Maxaabiista, Cid kasta oo Ehel ah oo soo booqanaysa iyo Askarta Xabsiyaduba maxaabiista gudaha uma geli karto, si ay uga nabad-galaan wixii kaga iman lahaa dibedda” ayuu yiri Wasiirka Cadaalada Somaliland.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxa kale oo aanu wadnaa Qorshe kale oo weyn oo Madaxweynuhu nagu hoggaaminayo, kaasi oo ah in haddiiba uu Cudurku dalka yimaaddo aanu ku kala dhimi doono Maxaabiista, wixii loo arko inaan Arrintoodu khatar ahayn ama dambiyo culus ku jirin in dib loo eego, sii-deyntoodana Madaxweynuhu wuu ku mashquulsan yahay, dhawaana wuxuu ka soo saari doonaa go’aan fiican oo Dadka iyo dalkaba anfaca”.

“Maxaabiistii cusbaa ee Saldhiyada laga keenayey ee jeelasha la keenayeyna waanu yaraynay. Tallaabooyinka kale ee aanu qaadnay waxa ka mid ah in Jeel walba saddex bilood Raashinkiisii la sii dhigay”.