Maxaa ka jira in degaanada Somaliland laga helay kiis la xiriira cudurka Coronavirus?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay warar ka jira in deegaanadeeda uu ka jiro Kiis la xiriira fayruska faraha ba’an ku haya Dunida ee Corona.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sidoo kale ka warbixiyey khatarta Coronavirus iyo dadaalada ay Xukuumadiisu ugu jirto la dagaalanka caabuqaasi.

Agaasimaha ayaa sidoo kale si cad u sheegay in uu gudaha Somaliland uusan jirin Kiis la xiriira caabuqaasi, oo ilaa hadda la xaqiijiyey, balse ay ku baraarugsan-yihiin halista baahsan ee fayruska.

Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Wasaarad ahaan si joogto ah ayaanu umadda u siina wacyigelin ku waajahan halista Coronavirus, sidaas darteed umaddu inay aad isku ilaaliso oo ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan ayaa laga doonayaa”.

“Coronavirus go’doon buu ku kala riday wadamadii Caalamka, isku socodkii baa meesha ka baxay, baqashadiisa ayaanu leeyahay, si xawliya ayuu u fidiya ee aynu ALLE bariyadiisa badsano oo ducooyinka uu Rasuulkeenu akhrisan jiray aynu akhirsano oo dadkeenu aad u baruurugsanadaan, nadaafada aynu aad u ilaalino, wacyigelinta aanu wadnana ha la qaato”.

Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Haba-yaraatee wax Kiis ah oo la xiriira fayruska Corona oo gudaha dalkeena lagu arkay ma jiro”.

Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ugu jirta sidii ay uga hortagi laheyn in uu deegaanadeeda usoo gaaro fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida ee Corona, xili la sheegay in Kiis la xiriira fayruskaasi laga helay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.