Shaqaalaha D/HOOSE iyo kuwa wasaarada amniga oo laga qaaday aqoonsiyadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ay joojisay in xarunta lagu soo galo aqoonsiga ama ID Card-ka qofka shaqaalaha ah ee ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir.

Taa beddelkeeda ayaa shaqaalaha loo sheegay inay shaqada ay ku imaan karaan oo kaliya Copy-ga digreetada shaqaaleysiinta, taas oo la waafajiyay Documents kale oo la siiyay ciidamada ammaanka gobalka.

“Qofku waxa uu soo qaadanaya warqada magacaabistiisa kadibna waxaa la waafajin doonaa xog kale oo la dhigay albaabka gobalka laga soo galo” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha gobalka oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa joojisay in shaqada lagu yimaado ID Cards-ka wasaaradda, waxayna shaqaalaha ku galaan shaqada magacyada ama liiska shaqaalaha oo la dhigay albaabka xarunta wasaaradda.

Si rasmi ah looma og sababta arintaan ka dambeysay hase yeeshee shaqaalaha wasaaradda ayaa sheegay in lagu amray in ay u hogaansamaan amarkaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in amarkaan uu quseeyo oo kaliya shaqaalaha cusub ee wasaaradda.

Dowladda hoose ee gobalka Banaadir ayaa la sheegay in aysan laheyn xarun lagu daabaco aqoonsiyada shaqada waxaana dhacay 90% aqoonsiyada shaqaalaha halka aan qaarkoodna loo sameynin waana mid kamid caqabadaha loo joojiyay in aqoonsiyadii hore shaqada lagu aado hase go’aanka wasaaradda amniga ayaa la ogeyn wixii sababay.

Wxaaa jirta cabsi ah in laga yaqaabo in qaar ka mid ah aqoonsiyada ee horey u dhacay ay gacanta ku dhigeen dad aan kuwii lahaa aheyn, taasi oo ah halis amni.

Waxaa aad u adkaa xaaladda shaqo ee gobalka Banaadir tan iyo markii uu qarax ka dhacay xarunta gobalka 24 July sanadkii 2019, kaas oo galaaftay nolasha mas’uuliyiin badan.