Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo saartay warbixinta todobaadlaha ee looga hadlo xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.
Warbixinta oo ka kooban 18 qodob ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii lasoo dhaafay, taas oo ay mar kasta shaaciso wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Halkan hoose ka akhriso qodobada:-
1, Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaas oo lagaga hadlay 11 qodob oo muhiim ah.
2, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb galay Shirweynaha Maalgashiga Somaliland, oo lagu qabtay Hotel Sarovar Premier Caasimadda Hargeysa, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah, waxaana la isu keenay maalgashadayaal ka kala yimid 23 dal dal oo ay igu mudan yihiin Waddammada Geeska Afrika.
3,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Mudane Ozan PEKIN iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Anil Koray KOCAMAN.
4,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.
5,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaranka ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda ICT-ga ardaydii tartamayaasha ahaa ee ku guulaystay sannadka 2025-ka, kuwaasi oo soo bandhigay fikrado iyo hal-abuur cusub oo la xidhiidha aqoonta casriga ah ee ICT-ga.
6,Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Md Cabdirahman Nuur ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Expertise France.
7,Agaasimaha Wacyigalinta Komishanka xakameynta HIV/Aids-ka Barkhad Geeddi ayaa sheegay in bulshadu u baahan tahay wacyigalin joogto ah iyo in dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka la siiyo daryeel gooni ah.
8,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda tallaalka heer gobol ee Wasaaradda.
9,Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aanno waaweyn oo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo qiimaha shidaalka korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, taasi oo la sheegay inay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhaqan gelinayo ballan-qaadkii Madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada.
10,Xukuumadda Somaliland ayaa qasriga madaxtooyadda ee dalka looga taliyi kulan balaadhan kula yeelatay qeybaha bahda suugaanta iyo fanka ee dalka Somaliland .
11,Agaasimha Guud Ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL ,Mudane,Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNDP.
12,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Maxamed Siciid Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNDP oo ay hoggaaminaysay Ms. Luna Nagatomo.
13,Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macalin), ayaa Casuumad ku maamuusay qaar ka mid ah hal doorka Haweenka Xisbiga Talada haya ee Wadani.
14,Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ahna af hayeenka xukuumadda Axmed Yasin Sheikh Cali Ayaanle ayaa qado-sharaf ku casuumay shaqaalaha wasaaradda ee sanadkan soo baxay Jaamacadaha dalka.
15,Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland waxay soo saartay wareegto cusub oo lagu dhimayo qiimaha korontadda dalka laga bilaabo December 2025.
16,Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay qiimayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyey kala badhka (Mid-Term Review) ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), gaar ahaan Wadaagaha Maamul-wanaaga.
17,Agaasimaha Fullinta Sanduuqa Horrumarinta Dhallinyaradda Somaliland Muddane Cabdiqaadir ismail Ahmed Jaylaani ayaa booqday Qatar Fund for Development (QFFD) iyo Qatar Charity, isagoo matalaya Somaliland Youth Development Fund (SLYDF). Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada hadlo fursadaha iskaashi ee lagu horumarin karo dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta, xirfadaha, iyo kobcinta ganacsiyada yaryar ee ay dhalinyaradu hayaan.
18,Xukuumadda Somaliland ayaa isu soo bax lagu taageerayo nabada gobolka Sanaag ku qabtay fagaaraha kheyridda magaaladda Hargeysa taas oo ay kazoo qeyb galeen kumanaan kun oo ka mida dhalinayarada ku nool caasimadda Hargeysa iyo kuwo goboladda dalka uga yimi isu soo baxaasi.
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀

