Somaliland oo Sool ku soo rogtay amar 6 qodob ah iyo dagaalka Tukaraq oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucaayo hubka, Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ee lagu qabto Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Amarka lagu mamnuucay hubka ,Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn, ayaa waxa uu kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland.

Amarkaani oo lagu saleeyay baahiyaha loo qabo xakameynta hubka ,Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ayaa waxaa lagu sheegay in cidii jabisaa ay la kulmi doonto cawaaqiib.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ayaa sheegay in amarkiisaan uu yahay mid daba socda xiisada dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland taas oo weli ka taagan deegaanka tukaraq ee isla Gobolka Sool.

Amarka ee uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland oo ka kooban 6 Qodob ayaa kala ah:-

1-Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban isticmaalka iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda.

2-Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool.

4-Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile.

5-Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon.

6-Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in cidii ka hor imaadaa amarkaasi ay muteysan doonto cawaaqiib looga abaalmarin doono amar diidada.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa aad looga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal ka dhaco deegaanka Tukaraq oo la xaqiijiyay inuu weli ka socdo barakac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com