Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa sharuud cusub ku xiray wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii masuuliyiinta maamulkaasi ay warbaahinta la hadleen.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa sheegay in wadahadalka ay ka qeyb galayaan marka la balaariyo xubnaha dowladaha ah ee ka qeyb galaya.
Wasiirka ayaa sheegay in safiirkii hore ee dowladda Turkey u fadhiyay Muqdisho haddana ah ergayga wadahadalada Turkey u qaabilsan Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen inay doonayaan in la balaariyo wadahadalka.
Wuxuu sheegay inay doonayaan in la kordhiyo dalalka ka qeyb galaya wadahadalsiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Wasiir Yaasiin, ayaa sheegay Somaliland aysan hadal badan dooneyn islamarkaana Dowladda Turkiga ay dhowr jeer oo hore u dhex dhexaadisay Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.
Xafiiska Hargeysa

