BANKIGA DHEXE QAYLAA KA SOO YEERTAY

Baryahaan dambe waxaa kacday xiisad ku saabsan nin ajnabi ah oo loo magacaabi rabo inuu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sharcigii bankigana daraadiis loo beddelay. Qayladhaan ayaa ka soo yeertay baraha bulshada iyo bogagga internetka Soomaaliyeed, iyo goobaha lagu qaxweeyo oo wararka la isku dhaafsado. Dadka intiisa badan waxay dhaliil kulul, eedeeyn iyo dhaleeceeyn u soo jeedinayeen xukuumadda.

Ulajeedada maqaalkaygu ma aha inaan dooddaas ka qaybgalyo. Waxaan kaliya ku gaabsanayaa in xukuumaddu sidaan si ka fiican u maareyn kartay arrintaan. Tusaale ahaan, waxay ajnabi u magacaabi kareen agaasimaha guud oo ah fuliyaha hawl maadmeedka, farsamoyaqaan bankiyeedna ah, ama waxay guddoomiye ka amaahan kareen dawladaha saaxiibka dhow aynu nahay, iyadoo loo marayo xiriir dawlad ka dawlad ah intii la iclaamin lahaa tartan natiijadiisa la sii ogyahay ama la saadaalin karo.  Haseyeeshee, aniga aragtidayda, ma aha wax lala yaabo in shakhsi ajnabi ah loo dhiibo hoggaanka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Mana aha, sidaan u arko, wax lagu tilmaami karo khiyaano qaran sida dadka qaarkiis u dhigeen. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa dalka Ingiriiska (UK) oo bankigoodu yahay bankiga ugu facweyn adduunka, oo London tahay sayladda ugu weyn ee  lacagaha iyo maalgeshiga adduunka, oo haddana u doortay nin Kanadiyaan ah inuu noqdo guddoomiyaha bankigooda dhexe (Bank of England) iyagoo tixgelinaya sifaha shakhsigaasi leeyahay oo keliya ee aan tixgalineyn haybtiisa. Waxaan kaloo tusaale u soo qaadan karaa boqor Faysal (AUN) oo nin Pakistaani ah (Anwar Ali) ka dhigay guddoomiyaha Bankigooda Dhexe ee Sacuudi Careebiya (Saudi Arabian Monetary Agency), ninkaasoo hayey jagadaas laga bilaabo 1958 ilaa uu ka dhintay sanadkii 1974kii. Bankiga Dhexe ee Somaaliya naftiisa waxaa dhisay oo tobankii sano ee hore daadihiyey agasimayaal Talyaani ah oo laga amaahday Bankiga Dhexe ee Talyaaniga (Banca d’Italia).

Dhacdadaani waxy dareenka dadweeynaha ku soo jeedisay Bankiga Dhexe oo ah hay’ad aad muhim ugu ah horumarka dhaqaalaha dalka, ayna lagama maarmaan tahay in laga fiirsado cidda hoggaamineysa iyo sida loo hoggaaminayo.

Haddaba, waxaan maqaalkan si kooban ugaga hadlayaa wajibaadka Bankiga Dhexe saaran iyo dawrka uu ku leeyahay siyaasadda dhaqaalaha ee dalka si aan u fahamno maqaamka guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Hawsha ugu weeyn ee bankiga dhexe laga sugayo waa inuu dejiyo, qeexo, islamarkaasna fuliyo siyaasadda lacagta ( monetary policy). Haddii la jilciyo, siyaasadda lacagtu waa aalad la adeegsanayo si loo ilaaliyo inayan lacagtu suuqa si xad-dhaaf ah ugu badan oo aanay markaas abuurin sicirbarar iyo khalkhal dhaqaale ama aanay suuqa  ku yaraan oo ayan xayirin dhaqdhaqaaqa baayacmushtarka, ka dibna sababin hoos u dac dhaqaale. Ulajeedada siyaasadda lacagtuna waa in la helo koboc iyo firfircooni dhaqaale. Waa koboc dhaqaale oo kor u qaada heerka nolosha dadweynaha Soomaaliyeed oo faqrigu dillooday. Taas dambe ayaana ah yoolka ugu dambeeya ee siyaasadda lacagta iyo tan dhaqaalahaba.

Si bankiga dhexe waajibaakaas kore u guto waxaa awood loo siiyey inuu yahay cidda keliya oo sharci ahaan daabici karta lacagta dalku leeyahay ee shilin Soomaaliga ah. Sababtuna waxay tahay, markii bankigu uu isagu soo saaro lacagta dalka ka socota, yaqaan tiradeeda, la socdo dhaqdhaqaaqeeda, kolkaas ayuu dejin kara qorshe siyaasad lacageed. Haddiise, sida hadda jirta, lacagta dalka ka socota ay tahay doollarka Mareeykanka ee teleefoonka ku shaqeeysa, dabcan bankigu sinnaba uma sameyn karo, umana fulin karo siyaasad lacageed.

Sida la ogsoon yahay, waxaa soo socota lacag cusub oo shilin  Soomaali ah oo Bankiga Dhexe daabacayo. Haddaba, su’aashu waxay tahay lacagtaasi ma beddeli doontaa doollarka, bankigana ma u soo celin doontaa awooddii uu ku sameyn lahaa siyaasad lacageed. Aniga aragtideyda, way adagtahay inay taasi dhacdo waqtiga dhow. Waxaa hortaagan caqabado. Waxaa ugu weeyn amniga. Dawlad aan amnigeeda sugi karin, lacagteedana ma sugi karto. Teeda kale, amnidarro waxay keeneeysa kalsoonidarro oo ah cadawga koowaad ee lacagta. Qofna lacag uusan ku kalsoonayn iskuma aaminayo, siiba waqtigaan oo si sahal ah loo heli karo dollar iyo lacago kale ee qalaad. Intaas waxaa ka sii daran musuqmaasuqa baahay ee laga sheegayo hay’adaha iyo hawlwadeenada dawladda. Musuqmaasuq iyo maamul lacageedna meel ma wada galaan.

Sideebay lacagtaasi suuqa ku soo galeeysaa? Laba siyood ayuu bankigu lacagta suuqa ku soo geliyaa. Kow, in bankigu lacag dollar ah ama mid kaloo qalaad sarrifo oo uu ku beddelo shilin Soomaali. Tusaale, xukuumadda ayaa deeq malaayiin dollar ah ka heshay dibedda, ka dibna ka sarrifatay bankiga, shilinkii ka soo baxayna ku bixisay mushahar ama adeeg iwm. Lacagtiina sidaas ayey suuqa ku gashay. Labo, in bankigu amaah siiyo xukuumadda. Qodobkaan dambe ayaa u baahan in la sii faahfaahiyo. Bankigu wuxuu hayaa xisaabta dawladda oo isagaa qabta wixii dakhli ah oo dawladda soo gala, bixiyana wixii kharash ah ooy bixiso oo dhan. Haddaba, sida la ogyahay, miisaaniyadda dawladdu waxay mar kasta ku jirtaa nuqsaan ama isdhin (deficit), oo karashka ayaa mar kasta ka badan dakhliga. Waa meesha ay isaga horimaanayaan guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo maamulka sare e dawladda (Madaxweeyne, Ra’iisulwasaaree iyo wasiirka maaliyadda). Madaxdu waxay rabaan in bankigu  daboolo isdhinka misaaniyadda oo lacag aan xisaabta ugu jirin la siiyo si ay ugu kala dabbaraan duruufaha siyaasadeeed ee ku gadaaman. Guddoomiyahana waxaa laga rabaa inuusan u dhaganuglaan dalabaadka madaxda  ee uu ilaaliyo xeerka bankiga oo xadeeyana inta amaah la siin karo dawladda sanadkii. Sharcigii hore ee Bankiga Dhexe (1968) wuxuu qorayey inaan dawladda la siin karin in ka badan 35% dakhligii sannadkii hore ee dawladda. Sharciga cusubina (2012) wuxuu heerkaas ka dhigay 15%. Ulajeedada loo sameeyey xadkaas waa in la difaaco qiimaha shilinka oo la xakameeyo daabacaadiisa.

Dalabaadka madaxda ee lacagta shilin Soomaaliga ah waxaa ka daran baahida ay u qabaan lacagta qalaad, ama ha noqoto baahi dan guud ah ama mid dan gaar ah laga leeyahay. Waxayna culays saaraan Bankiga Dhexe oo mas’uul ka ah ilaalinta iyo xafidaadda kaydka lacagaha qalaad iyo dahabka ee dibedda yaal. Kaydkaas wuxuu damaanad u yahay lacagta dalka ee suuqa ku jirta, islamarahaantaasna wuxuu dhalaa fa’iido bankigu ku daboolo kharashka ku baxa hawlihiisa. Sidaas daradeed waxaa guddoomiyaha laga rabaa inuu lacagtaas ku mintido. Haddiise la damco in laga faramaroojiyo waxaa la gudboon guddoomiyaha inuu is casilo sida geesinimada leh ooy sameysey Yusur Abraar.

Habka bankiyadu, hadduu si hagaagsan u shaqeeyo, wuxuu kaalin mugweyn ka qaadan karaa koboca dhaqaalaha dalka. Bankiyadu waxay dadweynaha ka uruuriyaan kayd. Kaydkaas oo isbiirsaday oo ballaartay ayaa lagu maalgeliya mashaariic wax ku ool ah. Dhanka kale, bankiyada haddaan laga taxadarin maamulkooda iyo ammaaanadooda waxay sababi karaan burbur dhaqaale. Si aayan taasi u dhicin, Bankiga Dhexe ayaa u xilsaaran inuu ilaaliyo habka bankiyada ee dalka. Wuxuu sharciyan awood u leeyahay inuu ruqsad siiyo ciddii rabta inay banki furto ka dib markuu baaro oo uu ku qanco hindisaha ay soo bandhigeen, inuu bankiyada si joogto ah u kormeero isagoo ka dalbaya warbixinno bille ah ama todobaadle ah ama goobahooda baaritaan ugu tagaya, inuu awaamir ku soo rogo bankiyada, iyo guudahaan inuu sugo hab bankiyeed xasilloon, fiyoow oo u adeegaya hourmarka dhaqaalaha dalka. 

Xilalka bankiga loo igmaday waxaa ka mid ah inuu la taliyo xukuumadda, kalana taliyo arrimaha lacagta,  maaliyadda iyo guud ahaan dhaqaalaha. Bankiga waxaa laga rabaa, sida bankiyada dhexe ee addunku sameeyaan, inuu sanad walba soo saaro warbixin tifaftiran oo sawir dhammeystiran ka bixineeysa qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha sida waxsoosaarka (xoolaha, beeraha, kalluumeeysiga, warshadaha), dhoofinta iyo soo dejinta, miisaaniyadda dawladda, ascaarta suuqa, lacagta suuqa ku jirta, kaydka bankiyadu qabteen iyo amaahda ay bixiyeen, dhacdooyinka dhaqaale ee adduunka iyo siday Soomaaliya u sameeynayaan, iwm. Warbixintaas ayaa bankigu aalaaba ku gudbiyaa talooyin ama, mararka qaarkood, digniin looga digayo xukuumadda tallabooyin ay qaaday. Sawirka bankigu bixiyo oo ah mid waaqici ah wuu ka duwanaan karaa kan quruxda badan ee siyaasiyiintu faafiyaan. Halkaasna waxaa ka dhalan kara xiisad u dhexeysa guddoomiyaha iyo madaxda xukuumadda. Dabcan, si bankigu talo u bixiyo waa inuu, marka hore, isagu dhisaa awooddiisa cilmi-baarineed, qoraalladiisana ku saleeyaa xog iyo tirakoobyo sugan oo cilmiyeysan.

Qoddobka 6aad ee Qaybta II ee sharciga bankiga dhexe (Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Lr. 130 ee 22 Abriil 2012) wuxuu bankiga u sugayaa madaxbannaani iyo inaan la faragelin karin markuu fulinayo hawlihiisa sida waafaqsan sharciga bankiga. Haseyeeshee, sidaan waayoargnimada ka baranay, haddaan madaxda sare ee xukuumadda iyo shaqaalaha bankiga aayan iyagu musuqmaasuq ka marnayn, oo aayan ixtiraameeyn sharciga, guddoomiyahu keligiis wax ma sixi karo ama ha caddaado ama ha madoobaado.

W/Q: Maxamed Dalmar
Email: mdalmar@sympatico.ca
Wardheernews.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid