Somaliland oo war deg deg ah ka soo saartay xiisada wiilkii lagu dilay Wajaale iyo gabar lagu jidh dilay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa goordhoweyd war ka soo saartay xiisada ka dhalatay Wiil lagu dilay magaalada Wajaale iyo Haweenay ay magaaladaasi ku jidh dileen Ciidamada Booliska, oo aad loogu baahiyay baraha bulshada.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Marxuumkaasi uu si badheedh ah u dilay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland, isagoona xusay in Askarigaasi la xidhay oo cadaalada la horkeeni doono sida ugu dhaqsaha badan.

Afhayeenka u hadlayey Ciidamada, Taliye Faysal Xiis ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay muuqaalka Haweenay ay ciidamada boolisku ay ku jidh dilayaan magaalada Wajaale oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaasi oo laga dheehan karayey qaab arxan daro ah oo dhowr Askari u wada jidh dilayeen Haweenaydaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada boolisku ay ku howlanaayen in la kala cayriyo dadweyne ka xumaa dilka loo geystay Marxuumkaasi oo gudaha magaalada Wajaale ka dhigayey mudaharaad ka dhan ah dilkaasi.

Wuxuuna Afhayeenku ku micneeyay falka ay ku jidh dilayeen Askartaasi mid ka baxsan anshaxa Booliska, isagoona sheegay in la soo xidhay dhowrkii Askari ee ku hoobtey haweenaydaasi, lana hor-geyn doono maxkamada.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa aad loogu baahinayay baraha bulshada muuqaalka Haweenaydaasi ay sida arxan darada ah u jidh dilayeen Askartaasi oo kamid ahaa ciidamada booliska Somaliland, taasi oo ay dad badan aad uga xumaadeen, siyaabo kala duwana looga hadlay.