27.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xog: Wasiir ka tirsan DF oo 3 sano xafiis u ah guri ay ka dagan tahay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ay xafiis gurigeeda ku yaalla ku shaqeyso 3-dii sano ee la soo dhaafay, kaas oo u dhaw Villa Somalia.

Wasiir Khadiija ayaa marna xaadirin xafiiska wasaaradda oo ku yaalla agagaarka taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ka door biday ku shaqeenta gurigeeda oo ku yaalla ka soo horjeedka dhismaha Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, sidoo kalane kaabiga ku haayo taliska Booliska Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada ayaa sheegay in uu aad u bur bursan yahay dhismihii wasaaradda islamarkaana ay ka muuqato nadaafad darro iyo dayac maadaama aysan ka socon shaqo weyn.

Dhismaha wasaaradda ayaa waxaa bur bur aan badneyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay meel u dhaw Taalada Daljirka, kaas oo ay ka soo wareegatay muddo aad u fog.

Qalab xafiiseed, qalabka shaqada sida tiimbaraha saxiixa iyo agabyo kale oo muhiim u ah shaqada ayaa yaalla gurigeeda, waxaana u jooga dhalinyarada kuwaas oo u dirsato meelaha aan muhiimka aheyn.

Dhawaan ayaa wasiirka ku xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu sheegay in wasaaradda ay curyaamisay wasiirka Khadiijo Maxamed Diiriye oo xukuumadda ka tirsan 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Axmed Cumar Islow waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda noqotay mid fadhiid ah, oo saddex sano aan waxba qaban, isaga oo sheegay in wasiirka ay hor-istaagtay dadkii wax qaban lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News