26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Somaliland oo war ka soo saartay kaniisada la sheegay in Hargeysa laga furay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo muuqaalo ay baahiyeen Telefeshinada maxaliga ah lagu muujiyay heerka gabagabo ee dhismaha Kaniisada cusub ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa arrintaa ka hadlay maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland oo Telefeshinada u fasaxay baahinta dhismaha Kaniisada cusub ayaa goordanbe beeniyay wararka sheegaya in Kaniisad laga furay magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullahi Axmed oo la hadlay Saxaafada ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kaniisad laga furay Hargeysa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in warqad digniin ah ay u direen Haweeneyda muuqaalkeeda warbaahinta baahisay iyada oo sheegeysa in ay Somaliland u timid dib u dhiska Kaniisad 30 Sano ka hor bur burtay.

Wasiirka waxa uu sheegay xitaa haddii ay dhacdo in la furo Kaniisada aysan keeneynin wax dhibaato ah, waxa uuna cadeeyay in muslimiintuba masaajido ka dhistaan dalalka reer galbeedka.

Wasiirka waxa uu sheegay in arrimaha diimaha ay tahay mid la xisaabtankeeda u taala alle, balse aanu jirin dhibaato gaara ay u arkaan Kaniisada.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in dadka heysta diimaha kale ay xaq u leeyihiin inay helaan goobo ay ku cibaadeystaan.

Geesta kale, mas’uuliyiinta maamulka oo qaarkood koormeeray dhismaha Kaniisada ayaan jirin sabab uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka uu shakiga ku galinaayo Kaniisada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News