Somaliland oo war kasoo saartay ‘arrin laga faafiyay’ maxaabiista Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay in maxkamad la geeyay ama la jidh dilay, qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay si weyn usoo baxday in qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah.

Agaasimaha Waaxda Fulinta ee Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamad lasoo taagay maxaabiista dagaal ee u xiran Somaliland.

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in Komishanka Xuquuqul Insaanka iyo hay’addo kale oo caalami ah ay booqasho ugu tageen maxaabiista, islamarkaana ay indhahooda kusoo arkeen sida loola dhaqmay, oo uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

“Waxa jira warar been abuura oo la isla dhex-marayay oo ahaa in maxkamad la geeyay maxaabiista qaarkood ama jidh dil loo gaystay, ma jirin cid maxkamad la geeyay iyo cid wax kale oo wax loo dhimay,” ayuu yiri Cabdisamad Sacad Xasan.

“Maxaabiistaasi waxay guud ahaan inoo sheegeen in ay habla-dhaqanka iyo sida loo hayaaba tahay sidii ugu wanaagsanayd ama ugu fiicneyd, waxay noo sheegeen in xaaladooda caafimaad ay boqolkiiba boqol tahay, inkasta oo qaarkood xasaasiyad ka cabanayeen, kuwaana la tusay dhakhtar.”

Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda dhowrista maxaabista lagu soo qabto dagaalka, sida ku qoran Dastuurkeeda.

“Xaalada maxaabiista oo komishanka uu soo booqday wax cabasho ah kama ay sheegan meesha lagu hayo, waxaase jira warar been abuur ah oo la isla dhex-marayo oo waxaa caddeynaa in waxba kama jiraan ay tahay in maxkamad la horgeeyay ama tacadi kale lagula kacay.”

Hoos ka daawo