Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka tacsiyeeysay geerida ku timid hoggaamiyihii mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga oo saaka ku geeriyooday isbitaal uu jiifay oo ku yaalla dalka Hindiya.
Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay waysay saaxib qaali ah oo ay lahayd, sida lagu sheegay qoraalka oo si gaar ah uga soo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
“Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa Raila Odinga ku sifeeyey saaxiib qaali ah oo ay wayday Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in Raila Odinga uu ahaa Siyaasi aragti dheer leh, aqoon durugsana u lahaa Siyaasadda Caalamka, isla markaana si dhab ah u fahamsanaa Qaddiyadda, Himilada iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee kasoo baxay Somaliland.
Sidoo kale, Somaliland ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga tacsiyeysay geerida Raila Odinga oo ay tilmaamtay in sidoo kale uu ka ka baxay Shucuubta iyo Dawladaha Afrika.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Shacabka, ka Dawladda iyo ka Goleyaasha Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Qoyska, Qaranka iyo Shacabka Jamhuuriyadda Kenya ee uu ka baxay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, Mudane Raila Odinga oo ku geeriyooday dalka India” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka.
Madaxweynaha Somaliland waxaa kale oo uu Raila Odinga ku tilmaamay in uu ahaa siyaasi geesi ahaa, halgamaa iyo hoggaamiye haldoor ah oo ka baxay Qaaradda Afrika guud ahaan, gaar ahaana Geeska Afrika, isaga oo ku suntanaa difaaca Dimuqraadiyadda Afrika.
Odinga ayaa ku geeriyooday da’da 80 jir, wuxuuna waqtigiisa ku qaatay mucaaradnimo, kadib markii uu guul-dareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.
Raila Amolo Odinga wuxuu ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.
Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.