Somaliland oo weli lasoo geliyo qaad kaddib amarkii xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saartay Amar ay ku mamnuuceyso in deegaanadeeda uu soo galo qaad muddo 25-cisho ah oo ka bilaabaneysay maalintii shalay aheyd oo taariikhdu ku beegneyd 26-ka April 2020-ka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aankaasi ay xukuumada Somaliland ku joojisay Qaadka/Jaadka ayaa weli deeegaanadeeda uga hirgelin si rasmiya, iyadoona uu qaadku sidiisi caadiga ah u yimid magaalooyin badan oo ay maamusho Somaliland.

Dadka ka ganacsada Qaadka ayaa qaab ka duwan kii hore u soo galiyay Qaadka, iyadoona sidii caadiga ahaa lagu kala gadanayey goobihii hore loogu gadi jirey Qaadkaasi, iyada oo aysan waxba iska badalin sidii hore ee loo kala iibsan jiray.

Shalay oo aheyd maalintii labaad oo uu dhaqan galayey Amarka lagu joojiyey Qaadka ayaa waxa magaalooyin badan oo kamid Somaliland soo galay Qaad ka badan kii hore u iman jiray, iyada oo loo kala qeybiyeyna Miisaskii hore loogu gadi jiray Qaadkaasi.

Arrinta caajibka ah ayaa noqotay in qiimaha Qaadka la kala siisanayey uusan waxba iska badalin, iyada oo lagu kala gadanayey qiimihii hore ee ka hor inta ay xukuumadu soo saarin amarka lagu joojinayo Qaadka, oo la aaminsan-yahay inuu yahay masiibo horseedi kara faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid aan awood u laheyn joojinta Qaadka qaababka kala duwan kusoo gala magaalooyinkeeda ee weliba lagu dhex iibinayo sidii caadiga ahaa, balse ay ku dhiiratay oo keliya aawooda ku dhawaaqista Amar ka dhan ah Qaadka, iyada oo arrinkaasina hore u shaacisay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Qaadka sidiisi caadiga ah loogu dhex iibiyo magaalooyinka, iyada oo wax talaabo ah aysan ka qaadeyn ciidamadu, haddana waxa loo badaniya in xukuumadu aysan qorshe adag ka dhigan Qaadka qaabab ka duwan sidii hore loo soo galinayo deegaanadeeda.

Waxaana xusid mudan in Xukuumadu ay digniin kaliya oo fulin la socon ay u dirtay ganacsatada qaababka kala duwan ku keena Qaadka, iyaga oo si caadiya ugu iibinaya goobihii ay hore ugu iibin jireen.