26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Somaliland oo xabsi dhigtay culimo badan oo urur diimeed cusub ku dhawaaqay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka maamulka Somaliland ayaa goordhow xabsi dhigay Wadaado la sheegay inay sameysteen Urur diimeed cusub.

Wadaadada ay xireen Ciidamada ayaa dhawaan magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Urur diimeed ka duwan kuwii hore.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Culimadaasi dhowr jeer loo digay balse ay dhagaha ka fureysteen, sidaana loogu xiray magaalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay inay kusoo qabteen howlgal ballaaran oo ka dhacay magaalada Hargeysa waxa uuna Taliyuhu tuhun galiyay diinta ay wataan wadaadada la xiray.

Taliyaha ayaa sheegay inay u gudbin doonaan Maxkamad isla markaana wax laga weydiin doono falalka ay ku howlanaayen ku dhawaaqida Ururka kadib.

Geesta kale, Kooxdaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Asaadicuuna Bil Xaqi waxaana dhawaan looga dhawaaqay Magaalooyinka Hargeysa , Muqdisho iyo Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News