Weerar culus oo lagu qaaday taliye ciidan iyo koodii weerarka geysatay oo gaari iyo hub…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan heebtooda la garaneynin ayaa weerar culus ku qaaday Gaari uu la socday Taliyaha Saldhiga Degmada Wadajir Cabdi Baasit Maxamuud.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana la sheegay inay garab istaagen gaariga Taliyaha kuna huwiyeen rasaas farabadan.

Ilaalada Taliyaha ayaa iska caabiyay Kooxaha weerarka kusoo qaaday Taliyaha, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Kooxda weerarka kusoo qaaday Taliyaha ayaa la xaqiijiyay inay ka carareen gaariga ay la socdeen waxaana la sheegay inuu galay bacaad.

Gaariga ay ka carareen Kooxda ayaa waxaa sidoo kale looga dhextagay Hub ay awoodi waayen inay horay usii qaatan.

Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in ay eryadeen kooxihii hubeesnaa ee gaarigooda ka cararay, lamana oga in ciidamada amaanka ay soo qabteen xubno kamid ah ragaasi hubeesnaa iyo in dhamaan ay baxsadeen.

Lama oga heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaasi la soo warinayaa inuu jiro Khasaaro.

Degmada Wadajir ayaa waxaa ka dhaca weeraro loo adeegsado gaadiid iyo fool-ka-fool ah, walow aanu jirin cid loo soo qabto falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com