Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa xabsi dhigay wadaad caan ah kadib markii lagu eedeeyay inuu soo bandhigay daldaloolada maamulka.
Wadaadkani oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Suni ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka xili uu ku howlanaa shaqooyinkiisa gaarka ah.
Ciidamada ayaa saacado ka hor u daatay Guriga wadaadka oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Xariga wadaadka Aadan Suni ayaa la sheegay inuu imaaday kadib markii uu maamulka ku eedeeyay in qaab khaldan ay u xireen Macalimiin Qur’aan oo caan ka ahaa dhulka maamulka Somaliland.
Ciidamada ammaanka ayaa dhowr jeer xiray Sheekh Aadan Suni ka dib markii uu dhaliilay maamulka Somaliland.
Maamulka weli kama uusan hadal xariga wadaadka caanka ka ah gayiga Soomaalida Aadan Suni.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]