Sheekh Shariif oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Muqdisho (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka.

Sheekh Shariif ayaa Wasiirada iyo Xildhibaanada kula kulmaaya Hooygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa mas’uuliyiintaasi kala hadlaaya arrimo gaara oo ku xeeran shaqooyinka dowlada Federaalka, waxaana la sheegayaa in shirarka uu wado ay qeyb ka tahay imaatinkiisa magaalada Muqdisho.

Kulamada uu Sheekh Shariif kawado magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kuwaa oo uu iyaguna kala hadlaayo arrimo la xiriira in la adeeco dowlada Federaalka isla markaana lala shaqeeyo.

Dad ku dhow dhow Sheekh Shariif ayaa laga soo xigtay in imaatinkiisa uu ka danbeeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin.

Waxa ay sidoo kale dadka ku dhow dhow xaqiijiyeen in Sheekh Shariif uu meel ku hubsan doono xiisado aan sidaa usii buurneyn oo ka dhextaagan madaxda ugu sareysa dalka iyo dhinacyada kasoo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Shariif ayaa saldhigan doona magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa bilihii ugu danbeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com