Somaliland oo xabsiga dhigtay Suldaan caan ah oo ka hadlay dagaalka…

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada booliska maamulka Somaliland, qeybta gobalka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland.

Suldaanka ayaa ku xiran xabsiga magaalada Burco, waxaana la xiray xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadii Maqrib, kaasoo ku yaal xaafada Kenya ee magaalada Burco.

Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa ka mid ah saladiinta inta badan dhaliisha xukumada talada Somaliland haysa waxaanu suldaanku inta badan ka hadlaa hadba xaalada iyo marxalada taagan.

Sababta xariga suldaanka ayaa si rasmi ah Somaliland u shaacin, hase ahaatee wuxuu xarigiisa kusoo beegmayaa afar cisho kadib hadal dhaliil ah oo uu u jeediay xukuumadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha gudaha uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada coladada ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigta waxgaradka goboladeeda ee siyaasadaheeda dhaliila iyo ciddii soo hadal qaata Soomaaliweyn, iyadoo dhawaan ay xabsiga dhigeen Boqor Buur Madow oo magaalada Carmo ee gobolka Bari Puntland xaflad u yimid iyo abwaanada dhalinta yar ee Naciimo Qorane oo ku caanbaxday inaysan la gamban Soomaalinimada.

Caasimada Online
Xafiiska Burco
Caasimada@live.com