Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay dhalinyaro ku labisatay calanka Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gabiley ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhafay ciidanka Booliska maamulka Somaliland ay xir-xireen dhalinyaro ku soo labisatay dharka calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugna halkaasi.

Dhalinyarada xabsiga loo taxaabay ayaa xirnaa funaanado ka sameysan Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in ciidamadu ay qabtaan, kadibna ay xiraan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray dhalinyaradaasi ay tahay kaliya labiska ay xirnaayeen ee Calanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhalinyaradasi ay qeyb ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed ee u dabaal-dagayey maalinta Qaran ee kowda Luulyo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Somaliland oo ku aadan falkaasi xariga ah.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga soo saaray warmurtiyeed xasaasi ah oo uu ku jiro qodob ka hadlayey is-dhexgalka bulshada.