Shiinaha oo jawaab kulul ka bixiyey xiriirka ay Taiwan iyo Somaliland sameysteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si carro leh uga jawaabtay xiriirka ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, oo ah gobol ka tirsan Shiinaha balse sheegta inay yihiin dal gaar ah oo ka madax-banaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa shalay sheegay in Taiwan iyo Somaliland, oo iyana sheegata inay ka go’day Soomaaliya, ay ku heshiiyeen inay wakiilo usoo kala dirsadaan labada caasimadood.

Safaaradda Shiinaha ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter, waxay ay ayada oo magacaabin Somaliland uga hortimid xiriirka ay la sameysatay Taiwan, waxayna wacad ku martay inaysan u dulqaadan doonin cidka kasta oo la macaamisha Taiwan.

“Dunida waxaa ka jirta oo kaliya hal China. Taiwan waxay qeyb ka tahay China, islamarkaana Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa ah dowladda kaliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

“Marnaba ma ogolaan doono, in urur, dhinac ama xisbi siyaasadeed uu qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha gooyo, waqti kasta iyo hab kasta. Taiwan waxay ay ayada oo aanay cidna ka horiman karin ka tirsan Shiinaha.”

Qoraalka safaaradda Shiinaha oo lasoo saaray saacado kadib markii ay xiriirka ku dhowaaqeen Somaliland iyo Taiwan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shiinaha uu kasoo horjeedo cid kasta oo taageereysa gooni u-goosadnimada Taiwan.

“Dalalka dunida oo dhan waxay aqoonsan yihiin hal China, taasna waa wax sii kordhaya. Waxaan aad uga soo horjeednaa laba China, hal Taiwan, madax-banaani Taiwan iyo xooggaga gooni u goosadka ah ee u ololeynaya madax-banaanida Taiwan iyo dhaq-dhaqaaqyada gooni u goosad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taiwan waxay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leedahay kaliya 15 dal oo ka mid ah kuwa caalamka, sababtoo ah cadaadiska xooggan ee Shiinaha ayaa dalal badan ku diideen inay xiriir la sameystaan.

Tallaabada uu qaaday maamulka Somaliland ayaa horseedi doonta dagaal siyaasadeed oo kaga yimaada Beijing.