Gaas: Matalaada Muqdisho waa kalmad xaq ah balse baadil loola jeedo + Video

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, soona noqday ra’iisul wasaarihii DKMG, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee murugsan, isagoo sheegay in madaxda DFS ay hareer mareen sharcigii iyo heshiisyadii ka dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Gaas ayaa sheegay in maanta aysan muuqan xal laga agaro arrimaha taagan, gaar ahaan doorashooyinka, xeerarka baarlamaanka federaalka meel mariyay todobaadkii lasoo dhaafay, wuxuuna si qoto dheer ugu hadlay raja xumada laga qabo in dalka doorasho ka dhacdo.

Wuxuu kaloo ka hadlay arrinta gobolka Banaadir ee baarlamaanka meel mariyay in 13 kuraas uu ku yeelanayo aqalka sare, hase ahaatee wuxuu ku tilmaamay xaq aan baadil aheyn maadaama buu yiri aan loo marin wadadii sharciga.

“Waxaa lagu dhawaaqayaa oo cod dheer lagu leeyahay Banaadir waa inay heshaa matelaadeeda, waa sax laakiin waa kelmad xaq ah oo baadil loola jeedo weeye, yaa diidan inay hesho Banaadir matelaadeedii, cid diidan ma jirto, dastuurka wuxuu qorayaa in 18 gobol min seddax, gobol sedaxdiisa waayaya ma gyro, marka waxaa la rabaa in iyadoo dastuurka lagu dhaqmayo la ilaalinaayo in gobol walba wuxuu xaq u lahaa helo, sedbursina aanu laheyn naaqusna aanu laheyn,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu xun yahay in dadka damiirkooda la kiciyo, lagana dhaadhiciyo in maamul gaar ah ama qabiil gooni ah ka horjeedo xaquuqda gobolka Banaadir, laakiin wax walba ay ka muhiimsan tahay in la ilaaliyo wixii heshiiska lagu yahay ee dastuurka qeexayo.

Tan iyo markii baarlamaanka federaalka ansixiyay xeerarka maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro ayaa waxaa diidmo cad ka keenay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo siyaasad ahaan ay aad u kala fog yihiin dowladda dhexe ee dalka.