Tirada dadka ku dhintay rabshadaha weli ka socda dalka Itoobiya oo korortay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladda ay ka sii dartay, kadib rabshado xoogan oo ka dhashay dilkiii Addis Ababa loogu geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa.

Rabshado aad uu xogan oo ka dhashay toogashadaasi ayaa weli ka socda caasimadda Addis Ababa iyo sidoo kale magaalada Ambo ee gobolka Oromada.

Sidoo kale dadka ku dhintay rabshadahaasi ayaa korortay, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay tiradu gaartay illaa 81 qof, sida ay warisay warbaahinta dalkaasi.

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa sidoo kale la dhigay jidadka Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysay, si ay uga hortagaan rabshadahaasi.

Dilka fanaanka Haacaaluu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa sii huriyay xiisada haatan ka taagan Itoobiya, waxaana halis ku jirta xasiloonida dalkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay inay xirtay illaa 2 qof oo lagu tuhmayo toogashadii lagu dilay fanaankaasi oo ku caan-baxay mudahaaradyadii sanado ka hor ka dhacay Itoobiya.

Waxaa kale oo la xiray rabshadaha kadib in ka badan 30 ruux oo uu ku jiro siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed, tallaabadaasi oo uga sii dartay xiisada taagan.

Hundeesaa oo ahaa heesaa aad loo jeclaa ayaa dhanka kale lagu wadaa in maanta la aaso, waxaana dilkiisa ra’iisul wasaare Abiy uu ku sheegay shirqool loo dhigay Itoobiya.