Wicitaankii teleefon ee uu madaxweyne Erdogan uga siyaasad badiyey Trump

Washington (Caasimada Online) – Wicitaanada dhex mara Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa casbi geliya saraakiil ka tirsan Aqalka Cad, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay CNN.

Warbixinta oo uu qoray saxafi rugcadaa ah oo lagu magacaabo Carl Bernstein ayaa lagu sheegay in Erdogan uu Trump wacay “ugu yaraan laba jeer toddobaad gudihiis, toosna loogu gudbiyay Madaxweynaha, taas oo uu amray Trump”.

Saxafigan ayaa intaas ku daray in wadahadalka badan ee Trump uu la yeeshay Erdogan iyo Putin ay muujinayaan in Trump uu  “khatar usoo jiidayo amniga qaranka Maraykanka” taasi oo saraakiil Aqalka Cad ka tirsan ay waxyeello ugu geysan karaan bad-qabka America oo dhan, iyagoo wicitaanadda tooska ah u gudbiya Madaxweynaha oo aan u diyarsaneyn.

Ilo-wareed u dhow Trump ayaa laga soo xigtay “Trump laguma wargelin taariikhda colaadda Siiriya iyo Bariga Dhexe guud ahaan, markastana lagu kedin jiray iyadoo aan lasiin aqoon ku filan marka uu Trump la hadlayo Erdogan.”

Waxay intaas ku dareen in go’aanka uu Madaxweyne Trump ku gaaray bishii October ee lasoo dhaafay in uu ciidankiisa kala baxayo Siiriya, Turkigana u ogolaanayo in ay duqeeyaan goobaha Kurdiyiintu ka joogaan woqooyiga wadanka “ay toos ula xiriirtay awoodda Erdogan uu u yeeshay in waxa uu doonayo uu telefoon uga dhameysto Trump”.

Natiijo ahaan warbixintu waxay muujisay “cadeynta in Trump uusan madaxweyenimo ku habooneyn, dabacsanaan iyo karti xumo awgeed”.

Maraykanka iyo Turkiga waa xulifo ka tirsan NATO, laakiin xiriirka u dhaxeya labada wadan, waxaa sii xumeeyay taageeradda dhinacyadda iska soo horjeeda ee Siiriya,.

Sanadkii lasoo dhaafay, liiraha Turkiga ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay tan iyo 2018-kii, kadib markii uu Trump saaray cuno-qabateyn dhaqaale, isagoo ka jawaabayay howlgallada military ee Turkigu ku qaaday woqooyiga Siiriya.