JABUUTI oo ‘sameyneysa’ arrin muhiim u ah Somalia

Jabuuti (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti oo si aad ah loogu xasuusto garab istaaga iyo walaalnimada ay u muujisay Soomaaliya aya markale shaacisay inay dooneyso inay xasiliso khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha dalka.

Safiirka Jabuuti ee Sacuudiga oo u warramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay saameyn ku leedahay ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladiisu ka go’an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee  geeska Afrika.

“Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay,” ayuu yiri danjirahu.

Jabuuti oo ah dal daris la ah Soomaaliya ayaa door weyn ku leh dib u dhiska Soomaaliya, iyada oo dowladdii ugu horreysay burburkii kadib lagu soo dhisay Carte.

Sidoo kale Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo shirkii ugu dambeeyey dhowaan lagu qbatay gudaha dalkaasi.

Waxa kale oo jirta in ciidamo badan oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka howlgala gobolka Hiiraan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadaa haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, islamarkaana uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka.