Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Addis Ababa

Addis Abaab (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska.

Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa.

Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan.

Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa, si ay u dejiyaan xaaladda.

Xaaladda Itoobiya ayaa haatan u qasan, waxaana xiisadu ka sii dartay, kadib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa oo toogasho lagu khaariyey.