Faarax Cabduqaadir oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka.

Xildhibaanka oo uu warramay Somali Cable TV ayaa sheegay in loo baahan yahay inay wada-hadlaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka hor doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadnka sanadkan 2020-ka.

Faarax ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in xal siyaasadeed la gaaro, si aydoorashooyinkaasi u noqdaan kuwa wada gol ah oo u dhaca si xor iyo xalaal ah.

“Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka inay wada-hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka iyo jiritaanka qaranimadeena waxyaabaha la isku heysto doorashada waa mid ka mid ah, doodda waxay tahay, haddii wixii la rabay la qaban waayo, waqtigii la rabay lagu qaban waayo waxaynu u baahanahay in aynu tashano,” ayuu yiri Xidhibaan  Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in lala tashao dadka talada wax ku leh, sida siyaasiyiinta, gaar ahaan hoggaanka xisbiyada ka jira dalka.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka ay qaadaceen ka qeybgalka shirka uu dhowaan iclaamiyey, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.