Wafdi ka socda KENYA oo gaaray Hargeysa + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano ah oo ka socda dowladda Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Xubnaha xildhibaanada ee gaaray Hargeysa waxaa horkacaya hoggaamiyaha xildhibaanada laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Kenya Junet Mohamed.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in u jeedkooda uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Kenya kala dhexeeya Somaliland.

Sidoo kale xildhibaanada ka socda baarlamaanka Kenya ayaa la kumay mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee maamulkaasi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.

Socdaalka wafdigan ka socda wadanka Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ay booqdeen magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula soo qaateen xubno ka tirsan dowladda Kenya.

Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqa ay haatan Kenya ka wado Somaliland ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya isku qabteen kiiska badda ee ay dacwaddiisu hor-taallo maxkamadda caalamiga ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.